Waa arrin la isla qirsanyahay in Soomaalidu ganacsiga yaryar ku fiican tahay, gudo iyo debed ba baayacmushtarnimadu way ka hanaqaaday, guulo badanna way gaadhay. Waxa se in loo dhug lahaado mudan Soomaalida ganacsiga ku jiraa meelaha ay ku liitaan ee ganacsigooda halis geliya ama galaaftaba, waxaynu halka ku soo bandhigaynaa dhowrka qodob ee ugu daran. U nuglaanshaha tartan Marka ganacsi lagu jiro tartan waa lama huraan, adeegyada ama badeecahada ganacsiyada yaryari intooda badan suuqa way ku baahsanyihiin oo dad badan baa adeeg/ bedeecad isku mid ah iibiya, taasi waxa ay keenaysaa in macmiilka loo kala dheereeyo. Waa halkan goljilicda ganacsiga Soomaalidu, Tabaha tartan waxa badidood ka yaqaqaan qiimaha oo la isku eryo, heer la wada khasaaro, yadoo la heli karo tobannaan siyood, oo tartanka suuqa lagaga libkeeni karo. Ta...